Thread Rating:
  • 1 Vote(s) - 5 Average
  • 1
  • 2
  • 3
  • 4
  • 5
Maxkamada ciidamada oo dil ku fulisay Rag qirtey dilka xildhibaano
#1
[Image: togasho-400x300.jpg]

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno dil ah ku fulisey labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab oo dilal kal duwan ugeystay xildhibaano, saraakiil dowladeed iyo shaqsiyaad kale.

Maxkamada ayaa cadaymo iyo qiraalba ku heshay labadan nin oo horay u dilay xildhibaanada kala ah Ex. Xildhibaan Saado Cali Warsame, Ex Xildhibaan Sh Aadan Maxamed Cali Madeer, Ex Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, waxay kaloo qirteen in ay dileen Axmed Odawaa Baale iyo Maxamed Axmed Maxamed oo kawada tirsanaa hay’ada sirdoonka Soomaaliya.

Labadan nin ee xukunka maanta lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb Ibraahim Mahdi oo 37 sano jir iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ahaa, Ciidamada amaanka dowladda federaalka ayaa dhamaadkii sanadkii 2014 koox ay horjoog u aheeyeen ragan ayaa laga soo qabtay xaafad ay ka soo qaadijireen dagaalada iyo weerarada.
Reply


Forum Jump:


Users browsing this thread: 1 Guest(s)